Madaxweynaha dalka Uhuru kenyatta ayaa diiday inuu ogolaado sharciga siinayo mudanayaasha hore barlamaanka ee howlgabka ah lacag dhan 100,000 kun oo shillinka dalka ah.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in hawlgabka mudayaashi hore ee barlamaanka ay tahay mid macquul aheyn isagoo intaasi sii raciyay in uu tixgalin doono howlgabka shaqalaha kale ee dowladda.

Go’aanka madaxweynaha ayaa ka dhigan in Xisbiga laga tirada badan yahay ee golaha barlamaanka ay soo buuxiyaan tira dhan 233 oo ka mid ah 349 xubnood ee barlamaanka si loo rogo go’aanka madaxweynaha.

Hanti-dhowraha dalka ayaa bishii hore ka digay in meel marinta sharcigan ee lacagaha hawlgabka xildhibaannada ay tahay mid kuwaari karin misaniyad dalka.