Wasaaradda Caafimaadka ee Sucuudiga ayaa maanta oo Khamiis ah shaacisay 708 kiis oo cusub oo coronavirus, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee kisaaska Corona gudaha Boqortooyada Sacuudiga 323,720 oo kiis.

Wasaaradda ayaa sidoo kale shaacisay in 24 bukaan oo dheeri ah ay u dhinteen cudurka COVID-19, taasi oo kordhineysa tirada dhimashada ee Saudi Arabia oo u sababay coronaha oo gaartay 4,189 dhimasho ah.

Bukaano tiradooda gaareysa 1,032 ay kasoo kabsaday fayraska tiradaas oo soo kabasho guud ee fayraska corona gudaha Sacuudiga ka dhigaysa 299,998 oo soo kabsasho ah.