Madaxweynaha dalka ayaa saaka shir gudoomiyay shirkii Golaha Wasiirada oo ka dhacay Aqalka Madaxtooyada, Nairobi. Kulanku waa kii ugu horreeyay tan iyo dhammaadkii fasaxii Golaha wasiradda oo socday muddo labo toddobaad ah oo dhammaaday 28dii Ogosto, ee 2020. Fadhigii maanta, Golaha Wasiirradu waxay ka hadleen kor u qadista dhaqalaha dalka iyo sidii loo dar dar galin lahaa mashrucyada kala duwan ee dowladda.

Golaha wasiirradu waxaa ay dhanka kale boqadiyeen Shaqaalaha Caafimaadka ee guud ahaan dalka sida ay uga go’an tahay in waajibaadkooda ay gutaan inta lagu jiro mudadan lala dagalamayo Faafida Coronavirus-ka,iyo Saraakiisha Amniga dalka oo Golaha Wasiirradu u aqoonsadeen doorka muhiim in ay ka hayaan sidii wax looga qaban lahaa faafitan Covid19n gudaha dalka.

Golaha wasiirradu waxay xuseen in shaqaale badan oo caafimaad oo dalka u dhashay ay ku biireen barnaamijyo kala duwan oo lagu taageerayo wadama kale si lola dagaalamo fayras-ka,iyagoo tusaale ahaan u soo qatay konton kamid ah shaqalaha caafimadka Kenya oo hada saacida shaqalaha caafimadka jamhuuriyada Seychelles iyo sarakiil kale caafimad oo garab sinaayo shaqalaha caafimadka dalka Congo.

Golaha Wasiirradu waxay kaloo ay ansixiyeen Barnaamijka Ka-hortaggida Rabshadaha ku saleysan Jinsiga. Golaha wasiirradu waxay xuseen in muddadii Faafida COVID-19 ay jirtay kor u kac ku yimid caqabadaha bulshada dhexdooda,kuwaas oo ay ka mid yihiin rabshadaha qoyska iyo ku tumashada Xuquuqda Carruurta.

Dhanka kale wasiradda waxaa ay ka hadleen ajandaha ku saabsan Guriyeynta La Awoodi Karo, Golaha Wasiirradu waxay ansixiyeen hirgelinta Mashruuca Guryeynta Bulshada ee Mukuru, oo ah barnaamijkii ugu horreeyay ee guriyeynta bulshada ee taariikhda Kenya.