Maxkamad ku taal dalka Sacuudi Carabiya ayaa soo saartay go’aankii ugu dambeeyay ee kiiska ku sabsan dilka muwaadin Sacuudi ah oo lagu magacaabo Jamal Khashoggi, iyadoo ku xukuntay sideed qof xabsi u dhexeeya toddobo ilaa 20 sano.

Shan qof ayaa lagu xukumay 20 sano oo xarig ah, hal qof ayaa lagu xukumay 10 sano xarig ah halka labo qof lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah.

Xukunnadan ayaa waxaa ay ka dhigan yihiin in kiiska dilka jamal Khashoggi in la xiray si guud ahaan iyo si gaar ahaan ba.