Mason Greenwood iyo Phil Foden ayaan la safri doonin xulka England ee katagayo dalka Iceland una socda Denmark kadib markii ay jabiyeen qawaaniinta UEFA ee coronavirus-ka,sida u xaqijiyay macalinka Ingriiska ee Gareth Southgate.

Xiriirka kubada cagta ee FA ayaa baaraya wararka warbaahinta Iceland ee sheegaya in Greenwood iyo Foden ay jebiyeen xeerarka karantiil-ka intii ay ku sugnaayeen hudheelka kooxda Ingriiska.

Macalin Southgate ayaa xaqiijiyay in labada laacib ay jebiyeen tilmaamaha ku aadan kahortagida corona fayrsa-ka,waxaana uu sheegay in dib loogu celiyay dalka ingriiska subaxnimadii Isniinta.