Saraakiisha booliska ee bariga Transmara ayaa xiray xildhibaanka Emurua Dikirr Johana Ngeno sababo la xiriira kicin dadweyne.

Xildhibaanka ayaa waxaa maanta oo isniin ah laga qabtay gurigiisa Mogondo waxyar ka hor 4:30 galabnimo.

Ngeno ayaa loo xiray hadalkii uu malintii Axada sheegay oo booliisku ay sheegeen inuu ula jeeday kicin bulshada.

Wakhtiga booliska qabteen xildhibaanka ayaa qaar kamid ah tagerayaashi iskudayeen in ay booliska hor istagaan, arinkaas oo keentay in booliska ay sunta dadka ka ilmeysisa ku kala aryaan dadweynaha.

Hadalka xildhibaanka lagu haysto ayaa ah in malintii Axad,in uu ku eedeeyay Isukuduwaha Gobolka Rift Valley George Natembeya in uu iskahor keenay bulshooyinka ku nool gobolka, isaga oo sheegay in Mr Natembea uu mas’uul ka yahay qalalaasaha joogtada ah ee ka dhaca ismaamulada Narok iyo Nakuru ee Gobolkaasi Rift Valley.