Barasaabka Ismaamulka Murang’a Mwangi wa Iria ayaa helay amar maxkamadeed oo ka hor istaagaya booliska in ay soo xiraan isaga sida ay ku amreen golaha Senet-ka dalka.

Guddi ka tirsan aqalka Senate-ka ayaa isbuucan warqad u qoray abaandulaha booliska dalka Mr Hilary Mutyambai iyagoo ka dalbanaya in la soo xiro gudomiyaha Ismaamulka Muranga Mwangi Wa Iria sababo ah in u iska dhago tiray in uu kasoo hormuuqdo golaha senet-ka tan iyo bishii Ogosto isagoo wakhtigaas laweydiin rabaya sua’alo ku sabsan isticmaalka Lacagaha dadweynaha ee Ismaamulkasi Muranga.

Guddiga Xisaabaadka iyo Maalgashiga Dadweynaha ee Senet-ka ayaa waxaa ay awood u leeyihin sida uu qabo Dastuurka iyo Sharciga Awoodda iyo awoodaha Baarlamaanka in ay amar kusiyaan taliyaha bilayska, in lasoo qabto gudoomiya kasto iska dhegatiro in u horyimaado golaha Senet-ka islamrkaana la horgeeyo guddiga.