Kooxda Manchaster United ayaa xaqiijisay in saxiixooda cusub ee Donny van de Beek kaasi oo xidhan doono Lambarka 34 kadib markii uu dhamaystiray ku biiristiisa kooxda ka dhisan garoonka Old Trafford.

Xiddiga oo Ajax u xidhan jiray lamarka 6-aad u qaadan karin lambarkasi haatan sabab ah in hada oo lambarkaasi xidhan yahay Paul Pogba.

Sidaas darteed xiddiga reer Holland ayaa doortay in uu kooxda u xidho Lambarka 34-raad si uu ugu maamuuso xiddigii ay isku kooxda ahaayeen ee Abdelhak Nouri.

Abdelhak Nouri & Van de Beek ayaa ka soo wada baxay Akademiyada Ajax waxana ay u soo wada daleceen kooxda 1-aad ka hor inta uuna Nouri ku dhicin xanuuq wadnaha ah sanadkii 2017 kana fadhiisan ciyaaraha kubada cagta isaga oo 23 jir ah.