Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka ee loo soo gaabiyo ICC ayaa cambaareysay cunaqabateyn aan horay loo arag oo Mareykanku ku soo rogay dacwad oogaha maxmadasi ee Fatou Bensouda iyo mid ka mid ah sarakil hoos imada Bensouda si loo hor istaago baadhitaanka eedeymaha dambiyada dagaal ee ka dhacay dalka Afghanistan.

Maxkamadda oo fadhigeed u yahay magaladda Hague ee Dalka Holland ayaa sheegtay in cunaqabateynta uu ku dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ee ka dhanka ah Bensouda iyo sarkiisha kale ee maxkamada, ay yihiin werar halis ah oo ka dhan ah ku dhaqanka sharciga caalamiga.

Pompeo ayaa ku dhawaaqay malintii Arbacada cunaqabateyn Mareykanka, isagoo sheegay in maxkamda ICC ay sii wado beegsiga dadka iyo dalka Mareykanka.

Dhankeeda maxkamadda ICC-da ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in talaabooyinka cusub ee Mareykanka ay yihiin isku day kale oo lagu faragalinayo madax banaanida maxkamada iyo dacwad oogista iyo shaqada muhiimka ah ee wax looga qabanayo dambiyada halista ah ee bulshada caalamku ay danaynayso.

Cunaqabateyntan ayaa waxaa ka mid ah in la xannibo hantida ku jirta Mareykanka ama ku xiran sharciga Mareykanka isla markaana lagu bartilmaameedsado Bensouda iyo madaxa kale maxkamadda.

Pompeo wuxuu kaloo sheegay in shakhsiyaadka iyo hay’adaha kale ee sii wadaya inay si toos uu taageran Bensouda ay halis ugu jiraan inay cunaqabateyn ay wajahaan.

Maxkamadda ICC-da ayaa sheegtay in ay sii wadi doonta baadhitaankeeda ku aadan dambiyada dagaal ee ay maleegayaan Mareykanka iyo xulafadiisa gudaha dalka Afghanistan.

Dalalka xubnaha ka ah Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada waxay dhamaan canbaareeyeen cunaqabataynta Mareykanka ayagoo sheegay in ay tahay arin aan la aqbali karin.