Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo madaweyna kuxigeenki hore Mareykanka Joe Biden ayaa ololahooda dorashada sare u qaaday toddobaadkan, iyadoo labadani musharax ay ku soo laabteen ololaha dorashada kadib ansixin ay ka heleen xisbiyadooda.

Ololaha ayaa si deg-degga uguu bilabanayaa labadani murashax wuxuuna imaanayaa olalahan ka hor fasaxa Maalinta Shaqaalaha ee 7-da Sebtember, taas oo taariikh ahaan calaameneysa bilowga olola guud ee ugu aadkaa tarikhda dalka Mareykanka.

Inta lagu guda jiro faafitanka cudurka coronafayruska guud caalamka oo dhan, marka lo eego kiisaska la xaqiijiyey iyo dhimashada, ayaa ka dhigaysa dalka Mareykanka mid ah waddamada guud ahaan caalamka uu ameyn weyn ku yeeshay, iyadoo dhanka kale si socdaan qalalaasaha midab-kala-sooca ah ee qaar kamid magaalooyinka Mareykanka oo mararka qaar dhibadbaxyada ay isuku rogaan rabshado.

MW Trump ayaa xagjirnima ku sheegay fikirada xisbiga Dimuqraadiyiintu oo musharax u yahay Mr Biden asagoo sheegay in kicinta dadweynaha ay ka dhambeyan,taasi oo bedelkedu Joe Biden ku sheegay in Donald Trump uu yahay hogaamiye aan caqligiisa la tacaali karin dhibaatada caafimaad iyo walaac amni daro ee gudaha Mareykanka xukumadiisa wax ka qaban weysay.