Horaantii Isniinta xisbiga Jamhuuriga ayaa si rasmi ah u magacaabay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu mar labaad u tartamo Aqalka Cad ka hor habeenka ugu horreeya ee Golaha Qaranka Jamhuuriga isku imantankooda ee loo soo gabiyo (RNC). Waxay kaloo uu magacaabeen Madaxweyne kuxigeenka Mike Pence inuu mar labaad tartamo uu kuxigeen u noqdo Mr Trump.

Kaliya 336 wufuud ah ayaa isugu yimid xarunta shirka ka socday oo loogu yeeray halkaasi si loogu dhawaaqo Trump inuu yahay murashaxa xisbiga Jamhuuriga halkaasi oo uu wajahi doono doroshada soo aadan ee Musharaxa Xisbiga demoqradiga Mr Joe Biden.

Daqiiqado ka dib markii wafuuda ay uu codeyeen in musharax uu noqdo markiisa labaad,ayaa Mr Trump waxaa uu ku celceliyay ereyga ah ‘Afar sano dheeri ah,Afar sano dheeri ah’.

Donald Trump ayaa codbixinta bisha November oo u aqoonsaday doorashadii ugu muhiimsanayd taariikhda dalka Mareykanka asagoo sheegay in awoodda dhaqaale ee waddanka uu kor u qaday kahor faafitanka cudurka covid19 , kaas oo uu ku tilmaamay daacuun ka yimid Shiinaha.