Toddobo qof ayaa dhimatay halka dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dhaawacyo culus oo soo garay ka dib shil baabuur oo ka dhacay isgoyska Kaburengu ee ismaamulka Kakamega ee wadada weyn ee Eldoret-Malaba.

Dhacdadii ayaa dhacday galabnimadii Isniinta kadib markii gaari xamuul ah oo u socday magaldda Webuye oo ka yimid magaalada Eldoret uu lumiyay kontrolka kahor inta uu ku dhicin gaari dadweynaha ah ee nooca matatu halkaasi oo waxyeelo ay soo gartay dad kusugnaa wadada dhinaceeda.

Toddobada qof ee geeriyotay ayaa waxaa ka mid aheyd haweenay wadada dhinaceeda ku ibsaneysay khudaar iyo cuno.

Shilka ayaa sababay in uu hakad galo isku sosocodka gadiidka ee ismamulka Kakamega.