Gudoomiyaha gudiga Suuq gaynta Xoolaha nool ee dalka sidokalana ka mid ah duqayda Gobalka Waqooyi-bari Mzee Dubat Cali Amey ayaa ku booriyay Barasaabyaada Ismaamulada Garissa iyo Wajeer in sida Gobalka Mandheera oo kale ay sameyaan ​​gudiyo nabadeed.

Isagoo saxaafadda kula hadlayey xafiiskiisa Magaalada Gaarisa,ayuu Mzee Dubat sheegay in khilaafaadka u dhexeeya qabaa’ilada dego saddexda County ee Mandheera Wajeer iyo Gaarisa ee ku sabsan xudduudaha, biyaha iyo daaqa in ay yihiin ku soo lalaabtan.

Mr Camey ayaa ku nuxnuxsaday in guddiya nabadid haddi la samiyo ay mideynayan bulshada iyo sidokale in ay kahortagayan rabshadaha.
,Tani waa in lagu sameeyaa taageerada NCIC iyadoo lala kaashanayo maamullada gobollada si gacan looga geysto dhismaha nabadda ,ayuu yiri Mzee Dubad Cali Camey.

Mzee Dubad ayaa sidokale ka codsaday NCIC inay waxbadan ka qabato hormarinta dhismaha nabadda ee gobolka Waqooyi-bari oo dhan.

hadalkan Mzee Dubad Cali camey ayaa ku soo begmaya ayaado Mandheera ayaa soo saartay guddi nabadeed . Waxaa la sameeyay koox ka kooban 21 xubnood oo ay ku jiran odayaal ka kala socda labada beelood, mas’uuliyiin ka socota Ismaamulka iyo dowlada sare ee dalka sidokale waxaa qayb ka aha Guddiga Wadajirka iyo Is-dhexgalka Qaranka (NCIC)