Dalka ayaa diiwaan geliyay 650 kiis oo cusub oo ah cudurka COVID-19.
Guud ahaan dadka laga helay caabuqa ayaa hadda gaartay 28,754 sida ay xaqiijisay Mercy Mwangangi oo ah xooghaya Wasaarada Cafimaadka ee dalka.

Tiradan cusub ee la soo tabiyay ayaa timid ka dib marki cudurka laga baaray 6,768 qof 24 saacadood gudahood.

Dadka laga tijaabiyay fayraska guud ahan dalka ayaa noqotay 375,859.

Kiisaska cusub, 633 waa Kenyan halka 17 ay ajnabi yihiin.

Mrs Mwangangi oo warbahinta la hadlaysay shalay galinki dhabi ayaa sheegtay in marka la eego dhanka jinsiga, 391 yihiin rag halka 259 ay noqdin dumar.
Dhanka Da’da qof ugu yara waa cunug hal sano jir ah halka kan ugu da’da wyen uu jiro 97 sano.

Dhanka kale, kiisaska cusub ayaa laga soo tabiyay Countyaada kala: Nairobi 356 Kiambu 53, Nakuru 48, Machakos 26, Kajiado 20, Busia 20, Uasin Gishu 15, Laikipia 15, Bomet 10, Bungoma 9, Migori 7, Mombasa 7, Kisii 7, Tharaka Nithi 6 , Muranga 5, Narok 5, Turkana 5, Kericho 4, Makueni 4, Kitui 4, Sambu 4, Embu 3, Baringo 3, Nandi 3, Kisumu, Mandera iyo Marsabit waxaa midkiiba laga soo sheegay 2 kiis Isiolo, Trans Nzoia, Nyamira, Elgeyo Marakwet iyo Nyeri ayaa sidokale midkiiba laga soo sheegay min hal kiis .

Si kastaba ha noqotee, afar qof oo dheeri ah ayaa COVID-19 u geeriyoodin dhimashada guud ayaa hadda gaartay 460.