Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Bartamaha laamiga Magaaladaasi uu Nin ku hubeysnaa Tooreey ku dhaawacay Nin kale , isaga oo dhowr meel tooreeyda uga dhuftay.

Ninka Tooreyda lagu dhaawacay oo magaciisa lagu soo koobay Ilkacase ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe si loogu daaweeyo, iyada oo Ninkii falkaasi geystay uu goobta ka baxsaday.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Garoowe kusoo kordhay falal Amni darro haba ugu badnaadee dhaca dadka Shacabka, waxaana Duqa Magaalada Garoowe uu sheegay in dad ka yimid Magaalada Boosaaso ay falal Amni darro ka geysanayaan Magaalada Garoowe.