Mintidiin Islaami ah ayaa Arbacadii qabsaday deked muhiim ah oo ku taalla waqooyiga dalka Mozambique ee qaniga ku ah gaaska kadib maalmo ay socdeen weeraro ay sheegatay koox ku xiran kooxda Daacish, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari.

Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyey falal muqaawanimo oo kusoo kordhayey waqooyiga dalkaas tan iyo 2017, kuwaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, islamarkaana adkeeyey qorshihii gaaska looga soo saarayey xeebaha halkaas.

Magaalada Mocimboa da Praia ayaa waxa ay ku taalla meel 80km koonfur kaga beegan jasiiradda Afungi, halkaasi oo ay ku taallo goob laga soo saaro gaaska dabiiciga ah ee la qafiifiyey.

Dekedda la qabsaday ayaa muhiim u ah mahsruuca gaaska lagu dhoofinayo.