Wadanka ayaa laga diiwaan geliyay 679 xaaladood oo cusub oo ah kuna sabsan COVID-19 .
Tirada guud fayraska ayaa hatan dalka dhan gaartay 28,104, sida ay xaqiijisay xooghaya Wasaarada Cafimaadka ee dalka Merchy Mwangangi.

Niyad-jabkan cusub ayaa yemid ka dib marki baaritan lagu saamiyay 6,590 qof 24 saacadood gudahood.

Tani ayaa waxay guud ahaan ka dhigaysa dadka laga tijaabiyay 369,091.

Kiisaska cusub, 658 ka mid ah waa Kenyan halka 31 ajaaniib yihiin.

Mrs Mwangangi oo warbixintii maalinlaha akhriinaysa ayaa sheegtay in marka loo eego dhanka jinsiga, 400 ay rag yihiin halka 279 ay dumar noqdin.

Dhanka Da’da ayey sidokale sheegtay in ruxa ugu yar uu yahay cunug hal biil -jiro kan ugu weynna 87 sano jir.

Ilaa 743 qof oo xanunsana viruska ayaa bogsadin taas oo wadarta guud ee soo kabashada dalka hadda gaarsisay 14,610.

kiisaska cusub ayaa waaxa laga soo kala sheegay Ismaamulada kala ah: Nairobi 349, Kiambu 69, Kajiado 35, Machakos 25, Nyeri 23, Garissa 18, Mombasa 16, Kericho 14, Uasin Gishu 13, Nyandarua 13, Tharak Nithi 11, Laikipia 9, Nkkuru 8, Migori 8, Kisumu 7, Nandi 6, Busia 6, Meru 5, Muranga, Kirinyaga, Isiolo iyo Tana River oo min 4 kiis laga soo tabiyay midkiiba , Trans Nzoia Homabay iyo Embu min 3 kiis midkiiba, Kitui, Vihiga, Narok iyo Kilifi 2 kiis mid walba Kakamega , Baringo, Samburu, Siaya, Bomet, Taita Taveta iyo Nyamira waaxa midkiiba la soo sheegay hal kiis.

Si kastaba ha noqotee, 18 bukaan oo dheeraad ah ayaa u dhintay COVID-19 dhimashada guud hadda noqonaysa 456.

15 ka mid ah dadka cudurka u geeriyooday waxay horay ola xanusanayeen cudurka kale sida sokorta ama macaanka iyo neefta halka saddexda kalena aysan lahayn xaalado caafimaad oo la yaqaan.