Tirada kiisaska cusub ee ku sabsan cudurka Coronavirus ee shalay galinki dhabi la shaciyay ayaa Ismaamulka Garissa wuxuu galay kalinta labaad marka la eego dhanka dowlad gobaleeyaada ee dalka.

Garissa ayaa waaxa laga soo tabiyay kiisas gaarayo 52 waana tiradi ugu badneyd ee gobalkas laga soo sheego tan iyo marki caabuqa uu wadanka ka dilacay 13kii bishi March sanaadkan 2020.

Magaaladatan Nairobi oo kale ah ayaa kaga horaysay kiisaskan cusub ee COVID-19.

Wasirka Caafimaadka ee dalka Mr Mutahi Kagwe oo warbahinta la hadlayay ayaa shacabka Garissa iyo guud ahanba gobalka waqooyi bari ugu baaqay in taxadar dheeri ah mujiyaan.

Gobollada bukaannada cusub laga diwaan galiyay ayaa waxay kal yihiin Nairobi (357), Gaarisa (52) Kiambu (37) Kajiado (14) Machakos (10) Busia (5) Mombasa ( 3) Muranga (3) Baringo (3) Embu (3) Kilifi (2) Uasin Gishu (1 )Isiolo (1) iyo Makueni 1.