Tirada guud ee kiisaska COVID-19 dalka Kenya oo hada gaaray 26,928.

Kenya ayaa diiwaangelisay 492 kiis oo cusub oo ah cudurka’COVID-19′.

Tirada guud ee kiisaska Coronavirus ayaa hadda gaaray 26,928.

Dhanka kale saddex qof oo dheeri ah oo uu ku dhacay fayraska ayaa geeriyoodin taas tirada dhimashada ee waddanka ka dhigaysa 423.

Mar uu maanta ka hadlayey Ismaamulka Kericho Mr Kagwe ayaa shacabka Kenyanka ah ka codsaday in ay racaan tilmamaha Wasaarada cafimaadka ee wadanka kuna sabsan ka hortaga fafitanka Coronavirus.

Kiisaskan dheeriga ah ayaa yemid ka dib markii viruska tijaabiyay dad gaarayo 4,063 qof 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.
Tirada guud ee dalka laga baaray COVID-19 ayaa hada noqotay 358,330.

Kiisaska cusub, 478 waa Kenyan halka 14 ay noqdin ajaaniib sida uu sheegay Wasiirka Cafimaadka ee dalka Mr Mutahi Kagwe .

Marka loo eego dhanka jinsiga, 331 waa rag halka 161 ay dumar yihiin.

sidokale dhanka da’da qofka ugu yar waa cunug 11 bilood jira halka ruxa ugu weyna uu jiro 83 sano.

534 qof oo la xanunsana cudurka ka soo kabsaday taas oo wadarta tirada guud ee cafimaaday fayraska gaarsisay 13,495.