Hoggamiyaha mucaraadka ee dalka Raila Odinga ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mustaqbaalka isbaheysiga NASA
Hoggamiyaha mucaraadka dalka Raila Odinga oo wareysi siinayay telefishanka NTV, ayaa sheegay in isbaheysiga NASA uu dhintay kal hore .

Raila Odinga ayaa sheegay in isbaheysiga NASA uu ahaa mid ku guul dareystay doroshadii guud ee la soo dhaafay islamarkaasina uu dhintay doroshadaasi 2017-kii ka dib

Hadalkani ka soo yeeray Raila Odinga ayaa sii xumeynaya xiriirka uu la lahaa Hoggamyayaashi kale ee NASA oo kala ah Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula.

Musalia Mudavadi, Kalonzo Musyoka iyo Moses Wetangula ayaa doroshadii guud ee la soo dhaafay waxay kursigii madaxweynaha ku taageereen Raila Odinga ayaagona sidokale taagyeero umuujiyay doroshadii 2013.

Lakiin Madaxda ANC, Wiper iyo Ford Kenya ayaa maqnaayeen dhaarinti Raila ee loo magacaabay ‘Madaxweynaha Dadka’ bishii Janaayo 2018 kana dhacday garoonka Uhuru Park.

Muraanka iyo khilaafka ka dhax tagan Isbaheysiga NASA ayaa ka bilowday heshiskii dhax maray raila Odinga iyo Madaxweyne uhuru kenyatta .

Dhanka kale ku xigeenka guddomiyaha xisbiga Jubilee David Murathe iyo COTU Francis Atwoli ay ugu baaqeen kenyanka in ay Raila Odinga ay ku taageeraan Kursiga madaxweynimada doroshada guud inagu soo adaan 2022-ka