599 Kiis oo cusub kuna sabsan cudurka coronavirus ayaa dalka laga diwaan galiyay.

Tirada guud ee fayraska ayaa hada gaartay wadanka oo dhan 26,436 qof.

Wasiirka Caafimaadka dalka Mutahi Kagwe ayaa sheegay in tiradan cusub ay timid ka dib marki COVID-19 laga tijaabiyay 4,420 qof 24 saac gudahood.

Wasiirka Caafimaadka Mr Mutahi Kagwe, oo safar ku joogay Ismaamulka Kisumu oo ay wehelinayaan mas’uuliyiin kale ayaa sidoo kale sheegay in 1,062 oo aha dad la xanunsada caabuqa ay ka soo kabasdin waana tiradii ugu badneyd ee ka cafimaaday COVID-19 oo maalin qur ah la diiwaan geliyay tan iyo markii ugu horreysay ee fayraska la xaqiijiyay dalka 13-kii bishi March sanaadkan 2020.

Bukaannada cudurka ka soo kabsaday guud ahan wadanka ayaa gaadhay 12,961.

Dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in tirada dhimashada ay noqotay 420 .

4,420 ee ah tijabada laga qadaay oo 599 ka mid ah laga helay viruska corona ayaa dadka laga tijaabiyey gudaha dalka tan iyo markii kiiski ugu horreeyay la shaaciyay ayaa hada tagtay 353,727.

Bukaannada cusub, 593 waxay yihiin Kenyan halka lixna ay noqdin ajaanib.
kisaska waxaa weli hogaaminayaan ragga waana 373 halka dumarka ay yihiin 226 .
Wasiirka Caafimaadka dalka Mr Mutahi Kagwe,oo warbahinta la hadlayay aya sidokale sheegay in qof ugu yar ee coronavirus laga helay uu yahay cunug hal sano jir ah kan ugu da’da weyna 82 sano jir.