Wasiirka warfaafinta Lubnaan Manale Abdel Samad ayaa ku dhawaaqay iscasilaadiisa, isagoo sheegay in xukuumada Raiisul Wasaare Xasan Diab ay ku guuldaraysatay inay ka midha daliso himilada shacabka reer Lubnaan.

Ugu yaraan 728 qof ayaa ku dhaawacmey isku dhacyo dhex maray dhiba baxayaal iyo booliska lubnan iyadoo kumanaan dibadbaxayaal ah ay soo buux dafiyeen waddooyinka bartamaha Beirut iyadoo booliiska rabshadaha ka hortaga ay sunta dadka ka ilmeysiisa ay isku dayayaan inay ku kala diraan dhibad baxayaal rabay in ay carqaladeeyaan dhismaha baarlamaanka dalkaasi,waxaana dhibad baxayaasha uguu baqeyn xukumada Mr Hassan xukunka in ay ka dagto.

Raiiselwasaaraha Lubnaan Xasan Diab ayaa sheegay in doorasha wakhtigeeda kasoo hormatay la qabto ka dib qaraxii Talaadadii, isagoo sheegay inay tahay wadada kaliya ee looga bixi karo dhibaatada wadankasi haatan ka taagan.

Ugu yaraan 158 qof ayaa ku dhintey qaraxasi malintii taaladad halka in ka badan 6,000 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, laakiin tiradas ayaa la filayaa inay kor u kacdo iyadoo ay socdaan hawlgallada samatabixinta ee dadka la la’yahay.