Wiil yar oo jira 11-sano ayaa maanta oo axad ah meydkiisa laga helay tuulada Kaitheri oo ka tirsan ismaamulka Kirinyaga waxaana looga shakisan yahay inuu isdilay,waxaan meydiikisa laga helay saqafka sare ee gurigooda subaxnimadii manta.

Hooyada wilka ayaa sheegtay inay joogtay maqaaxi ay ka shaqeysato markii loo sheegay dhimashada wiilkeeda.

Taliye Ku-xigeenka Boliska ismaamulka Kirinyaga Robinson Thuku ayaa sheegay in maydka loo qaaday gobta maydka lagu keydiyo ee cisbitaalka Kerugoya.

Waxaa u sheegay sargaalkan booliska in ehelka ay samir yeeshaan maadaama baaritaannada la bilaabay oo ku aadan sababta keentay dhimasha ardaygan fasaalka afaarad ee dugsi hoose dhiganaye.