Shirkada duulimaadyada dalka ee Kenya Airways ayaa ogeysiis u dirtay dalada ey ku mideeysanyihiin duuliyayaasha dalka ee magaceda loo soo gaabiyo(Kalpa) iyadoo ogeysiineyso ujeedkooda oo ah in shaqada ka ceyriyaan qaar ka mid duuliyayaasha diyaaradaha sababo la xiriira dhibaatooyinka uu Covid-19 u geestay dhaqaalaha shirkada.

Qoralkan ayuu isku duwaha shirkada Kenya Airways, Mr Allan Kilavuka, uu ku sheegay in arintan ey ka fikiraayen tan iyo bishi may ee Sandakan balse ey tahay qasab in talaabadas la qaado waa sida uu hadlka u dhigaye.

Sidoo kale waxaa uu shegay in talaabadan ey saameyn doonin duuliyayaasha kaliya balse ey la qabi doonan dhamaan shaqalaha kala duwan ee shirkada.

Sida wararka lagu helayo Kenya Airways ayaa shaqada ka ceyrin doonta boqolkiiba 40 ka mid ah duuliyayaasheeda taas oo la micno ah in ey shaqada ka tagi doonan in ka badan 1,500 oo ka mid 3,734 oo ka howlgasha Kenya Airways.

Ugu dambeeyntii Mr Allan waxaa uu sheegay in ey mudo dheer qaadan doonto si uu xaalka shirkada sidii caadiga eheeyd ugu soo noqdo.