Shirkada google ayaa maanta oo Axad u dabaal degtay waxqabadka Mekatilili Wa Menza, oo aheyd hogaamiyaha haweeneyda ee ku hogaamisay dadka qowmiyada Giriama kacdoon ka dhan ah Maamulka gumeystihii Ingriiska intii u dhaxeysay sanadihii 1912 – 1915.

Golaha Qaranka ee halgamayaasha dalka Amb Yvonne Khamati ayaa sheegtay in aqoonsiga shirkadda Google ee loo yaqaan ‘Menza’ ay sii kordhineyso xoojinta bulshada waxay shegtay in rumeysan yihiin in Golaha Qaranka ee halgamayaasha dalka ay soo dhawenayan.

Gobolka xeebta ee dalka,ayaa waxaa ay dhaxleen halgankii Mekatilili wa Menza oo lagu xusayaa inta lagu gudajiro dabaaldegyada munaasabada dhaqameed ee gobolka gaar ahaan magalada Malindi, xafladaaasi oo sanadle ah oo taariikhda deegaanka lagu xuso.

Mekatilili wa Menza waxaa ay ku dhalatay tuulada Giriama ee Matsara wa Tsatsu oo ku taal xeebta dalka qarnigii 19aad.