Hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa meesha ka saaray in afti iyo doorashada 2022-da hal wakhti noqdaan, isaga oo ku adkeystay in codka wax looga badalayo dastuurka dalka ay tahay in loo sameeyo si gooni ah iyo in ay noqota wakhti kahor doorashada guud ee dalka ka dhaceysa sanada 2022-da.

Wareysi gaar ah oo uu siyay wargeyska Nation isagoo ku sugan gurigiisa oo ku yaala xafada Karen ee magalada Nairobi, ayuu Mr Odinga waxaa u sheegay in isaga iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta lagu soo warejin doono warbixinta BBI-da waqti dhow si ay u bilaabaan safarka aftida qaran dalka loo qabto.

Horaan ayey aheyd markii ay talo jeedin lasoo jediyay oo ku saleysan kharashadka,iyo carqaladeynta ka dhalatay faafitaanka cudurka Covid-19, ee ah in aftida la qaado ama la qabto doorashada xigta wakhtigeeda.

Mr Odinga ayaa u sheegay wargayska Nation in ka dib warbixintii BBI-da ay soo bandhigto kooxdii uu hogaaminayay Senator-ka Garissa Yussuf Haji, in loo bandhigi doono dadweynaha si looga wada hadlo. Wuxuu sheegay in warbixintu ay ka koobnaan doonto saddex qaybood,arrimaha u baahan tallaabo fulineed, kuwa u baahan tallaabo sharciyeed iyada oo loo marayo dhanka baarlamaanka iyo ugu dambeyntii isbeddelada ay tahay in lagu sameeyo oo afti qaran loo marayo.

Warbixinta BBI-da ayaa timid kadib isgacan qadka ee loogu magac daray ‘Handshake’ oo madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogamiyaha mucaradka dalka Mr Raila Odinga ay heshiyeen oo meel ay dhigeen khilaafkooda siyasadeed iyagoo shegay in ay dalka iyo dadka Kenyaan-ka ay mideyn doonan taasi oo siyasiyinta kudhow Madweyna kuxigeenka dalka Mr William ay ku shegeen in ay tahay qorsha ku adaan dorashada xigta.