Rag hubaysan ayaa in kabadan tobaneeyo qof ku dilay weerar ka dhacay bariga dalka Burkina Faso,mana jirto sheegasho ay sheegten koxaha maleshiyadka halkasi ku sugan.

Dowladda Ivory Coast ayaa waxay horaan qabatay hoggaamiye kooxeed hubaysan oo ka dambeeyay weerarkii ka dhacay xuduuda labadaasi dal bishii la soo dhaafay.

Boqolaal dad ah ayaa lagu diley sanadkii la soo dhaafay gudaha gobolka Saaxil ee dalka Burkina Faso,halka in kabadan nus milyan ay ku barakaceyn guryahooda,taasi oo lagu sababeyay xiisada qowmiyadeed iyo mid diimeed.

Shantii sano ee la soo dhaafay, in kabadan 900 oo qof ayey dileen kooxo hubeysan, halka ilaa 860,000 oo qof ay ka carareen guryahooda.

Gobolka saxil ayaa wuxuu ka qayb ka qaadanayaa dadaalka gobolka si loola dagaallamo kacdoon hubaysan oo ay ka jira dalalka Mali, Niger, Mauritania iyo Chad.

Milatariga Burkina Faso oo aan qalabaysan oo tababar buuxda haysanin, ayaa waxaa ay taageera ka helaan 5,000 oo ciidamada Faransiiska ah ee gobolka ku sugan.

Rabshadaha ka socda Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa dilay ku dhawaad ​​4,000 oo qof sanadkii hore, marka loo eego tirooyinka qaramada Midoobay.