Xildhibaankii hore ee degmada Changamwe Ramadhan Kajembe ayaa ku geeriyoday isbitaalka Pandya halkaasi oo lagu dabibayay.Waxaana geridiisa ay timid laba isbuuci kadib markii xaskiisa ay u geeriyotay cudurka Covid19.

Mr Kajembe,ayaa xanuunsanaa markii la aasayay xaaskiisa,ma uusan awoodin inuu ka qeyb galo askeeda maadaama uu wakhtigaas isaga uu isbitaalka ku jiray.

Qaar ka mid ah eheladiisa ku dhow ayaa isbitaal la dhigey isbuuc ka hor, ka dib markii xaskiisa ay geeriyotay iyagoo xanun uu soo ritay.

Geeridii Mr Kajembe kadib, ayay hoggaamiyayaasha iyo dadka Kenyanka waxa ay dhambaal tacsi ah u direen qoyskii u ka baxay Mr Kajembe.

Madaxweynaha Dalka Mr Uhuru Kenyatta ayaa shegay in Mr Kajembe u ahaa siyaasi howl kar ah,oday caqli badan isla markaana dhameystiray mashruuc ganacsi oo dalka ka soo qabtay doorar kala duwan sanadihii lasoo dhaafay.Madaxa dalka ayaa waxaa u sheegay in qoyska Mr Kajembe uu wakhtigan adag u la qebsanayo.

Madaxweyne kuxigeenka dalka Mr William Ruto ayaa dhankiisa ku tilmaamay Mr Kajembe in u ahaa hogamiye hormaka ka shaqeya,isagoo intaasi raciyay in hormar baladhan garsiyay dadka degaanka Changamwe.

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa dhiniciisa sheegay in Ramadhan Kajembe uu ahaa qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka kale si aan cabsi ku jirin isla markaana ah shaqsi u huray naftiisa in u dadka u shaqeeya.

Gudoomiyaha ismaamulka Mombasa Hassan Ali Joho ayaa sheegay in marxuumka uu inbadan xasuusan isagoo shegay in samir iyo imaan uu Alle siyo ehelkisa iyo qarabada.

Mr Kajebe ayaa lagu aasay qabuuraha Kajembe ee ku yaal degmada Changamwe ee gudaha magalada Mombasa.