Diyaaradaha dagaalka dalka sacuudiga ayaa waqooyiga Yemen ku dilay ilaa sagaal caruur ah,sida u sheegay sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay, taas oo ka dhigaysa weerarkii sadexaad ee noocan oo kale ah oo caruur badan ku dhintaan gobolka ay gacanta ku hayaan mucaaradka gudaha bishaan.

Lise Grande, oo ah isku duwaha gargaarka bini aadminimo ee qaramada midoobey ee dalka Yemen, ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray jimcihii in koox u badan haween iyo caruur ladilay intii ay ku safrayeen wadada maalinimadii hore ee jimcaha.

Wasaaradda caafimaadka ee fallaagada Xuuthiyiinta, oo maamusha aagga uu weerarku ka dhacay, ayaa sheegtay in isbahaysiga milatariga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee taageeraya dowladda Yemen ay fuliyeen lix werar goobo oo ku yaal gobolka buuraleyda ah ee waqooyiga Yemen ee Jawf.

Isku socodka xaddidan ee goobaha ay maamusho kooxda Houthi ee shaqaalaha gargaarka iyo suxufiyiinta ayaa inta badan ka dhigta mid adag in la ogaada khasara ay geysteen werarada cirka ee xulufada sacuudiga.