Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ayaa walaac ka muujiyay go’aanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu maanta Miiska ku saaray Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Qaramada Midoobey waxa ay sheegtay in uusan sax aheyn midka maanta la horgeeyay , islamarkaana loo baahan yahay in Golaha Wasiiradda ay dib u celiyaan.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa diiday ansixinta Ajendaha kulanka maanta oo ah Mashruuc sharci oo ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada.

Xildhibaano ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban.