Xisbiga talada haya ee dalka Guinea ayaa u magacaabay Madaxweyne Alpha Conde inuu mar saddexaad u tartamo xilka madaxtinimada, isaga oo ka faa’iideysanaya dastuurka cusub oo meesha ka saaray sharciga aha mudo xileedka maxweynah in ay tahay labo mudo.

Mr Conde,oo 82 jir ah, ayaa ka gaabsaday inuu si rasmi ah u aqbalo magacaabista in mar sadexaad u tartamo khudbadasi isbuucan.Musharanimadisa markisa sadexaad ayaa dhalisay mudaaharaadyo baahsan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof sanadkii la soo dhaafay.

Conde, oo aha hogaamiyaha mucaaradka dalka Guinnea muddo dheer, ayaa xukunka la wareegay sanadkii 2010 kaasoo sare u qaaday rajooyinka horumarka dimoqraadiyadeed ee dalka Guinea taasi oo u muuqata mid meesha ka baxday.

Laakiin dadaalkiisii ​​ku aadanaa Mr Conde inuu xukunka sii joogo ayaa sare u qaaday welwelka ah in Guinea ay mari doonto wadada wadamadii kale ee qarada Afrika oo madaxweynayasha ay diideen inay xukunka ka degaan muddo dheer kadib markii ay waqtigooda dhamaaday.

Dalka Guinea ayaa ah soo saaraha ugu weyn qarada Afrika ee soosaarka macdanta aluminiumka. Waxaa kaloo dalkaasi leeyahay kayd aad u muhiim ah oo macdanta birta ah, oo ay kujirto kaydka weyn ee ‘Simandou Reserve’, oo ah kaydka ugu weyn ee la yaqaan ee noocisa ah oo in ka badan laba bilyan oo tan oo macdan kala duwan ku keydsan tahay.