Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintey in kabadan 100 kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii diyaarad rakaab ah ay ku dhacday meel u dhow gobolka buraleyda kadib markii u roob culus ka da’ay magaalada Kozhikode ee koonfurta Kerala ee dalka India.

Hardeep Singh Puri, wasiirka duulista ee dalka Hindiya, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee ANI maanta oo Sabti ah in 18 qof ee dhintay ay ku jiraan laba duuliye oo diyarada hagayay.

Ku dhawaad 127 qof ayaa lagu daweeynayaa cisbitaala kala duwan, sida uu sheegay wasiirka duulista India,waxuu intaas sii raciyay in ay la bilaabi doonaa badhitaan rasmi ah si loo ogaado sababta shilka keenay.