Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay Roobab dabeylo watay oo ku dhuftay Xeebaha degaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka Kaluumaysiga iyo Khayraadka Dowlad-goboleedka Jubbaland Ibraahim Cabdi Xasan ayaa sheegay in dabeylahaas ay ku dhinteen ilaa 9 ruux oo u badan Kalluumeysato.
Waxaa uu sheegay in roobabka dabeylaha wata ay inta badan dhacaan wixii ka dambeeya marka la gaaro Bisha lixaad ee Sanadka,sidoo kalena ay ku bur bureen doomo kalluumeysi oo farabadan.

Waxaa uu ugu baaqay kalluumeysatada ku nool degaannada Jubbaland inay ka feejignaadaan dabelyaha ka dhacaya xeebaha,kuwaas oo uu sheegay inay waxyeelo kasoo gaari karto.