Dhaxal sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa lagu eedeeyay inuu koox dadka khaarajisa u diray dalka Canada, si ay u soo dilaan sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray sirdoonka dalkiisa.

Qorshaha fashilmay ee lagu dili lahaa Sacad al-Jabri ayaa ku soo beegmay waxyar uun kadib dilkii weriye Jamal Khashoggi loogu geystay Turkiga, sida lagu sheegay dukumiinti loo gudbiyay maxkamad ku taal Maraykanka.

Mr Jabri, oo ah rugcadaa u soo shaqeeyay dowladda Sacuudiga ayaa saddex sano ka hor u baxsaday dalka dibeddiisa. Tan iyo waagaana waxaa si khaas ah loogu ilaalinayay magaalada Toronto.

Qorshaha ayaa sida la sheegay fashilmay kadib markii ay ciidanka ilaalada xuduudaha Canada ka shakiyeen kooxda dilka fulin rabtay xilli ay ka soo degi rabeen garoonka caalamiga ah ee Toronto Pearson, sida lagu sheegay dukumiintiga maxkamadda.

Mr Jabri oo 61 jir ah ayaa u dhexeyn jiray sirdoonka reer Galbeedka iyo kan Sacuudiga.

Dacwadda oo ka kooban 106 bog oo aan la xaqiijin, loona gudbiyay maxkamad ku taal Washington DC, ayaa ku eedeysay dhaxal sugaha isku-dayga dilka Mr Jabri si loo aamusiyo.

Mr Jabri ayaa sheegay in arintaasi ay salka ku hayso “xog xasaasi ah” oo gacanta ugu jirto awgeed. Dukumiintiga maxkamadda loo gudbiyay ayaa lagu sheegay in xogtaasi ay ku jiraan eedeymo musuq-maasuq iyo macluumaadka koox calooshood u shaqeystayaal ah oo si toos ah u hoos yimaada bin Salmaan, laguna magacaabo “kooxda Shabeelka.”

Xubno ka tirsan kooxdaasi ayaa ku lug lahaa dilkii weriye Khashoggi oo lagu dhex dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istabul sanadkii 2018, sida lagu sheegay warqadaha maxkamadda.