Laba sarkaal oo booliis ah oo lagu eedeeyay dilka laba qof oo ku sugna Magaalada Gaarissa gaar ahana Suuqa Xoolaha ee Magaaladas ayaa maxkamad ku taalo Nairobi la hor keeni doonaa.

Aadan Ibraahim Salaad iyo Cabdiraxman Rooble Samow ayaa lagu eedeeyay in ay toogteen oo dileen Aadan Cabdi Madoobe iyo Muxiyadiin Caddow Shibin 25-kii bishi aynu soo dhafnay July.

Alle ha uu naxaristi Labada wiil ayaa ladilay ka dib markii booliska Garissa doonayeen in ay kala eryaan dadweyne ka banaanbaxayay qabashada nin looga shakiyay dil.

Kahor intaa aan maxkamadda la saarin labada sarkaal ee booliis ayaa waxay mari doona baaris maskaxeed si loo hubiyo jirkooda in ay cafimaad qaban iyo in kale.