Dalka ayaa maanta oo khamiis ah laga diiwaan galiyay 538 kiis oo cusub oo la xariro ‘Covid-19’, taasoo dalka ka dhigtay guud ahaan tiada kisaska dalka 24,411 sida uu sheegay xogayaha guud ee wasarada caafimadka Dr Rasshid Aman.

Tirada kisaska manta ayaa la xaqijiyay kadib badhitaan lagu sameyay 6,195 qof 24 kii saacadood ee la soo dahafay,taasi tirada guud ee tijaboyinka corona gudaha dalka ka dhigaysa 335,318 tijaabo ah.

Mr Amaan ayaa sheegay Kiisaska cusub manta la helay, 516 ay yihiin Kenyan halka 22 ay ajnabi yihiina.

Isagoo lahadlayey warbihinta,Mr Aman ayaa sheegay marka loo eego dhanka jinsiga,333 ay yihiin rag halka 205 ay yihiin dumar. Dhanka da’ada,Mr Amaan ayaa sheegay qof uguu jiro hal sano halka qof uguu weyn jiro 85 sano.

Mr Amaan ayaa sheegay in ay soo kasadeen 514 taas oo wadarta guud ee soo kabashada dalka illaa iyo hadda ah 10,444.

Si kastaba ha noqotee, siddeed bukaan oo kale ayaa u dhintay iyadoo tirada guud ee dimasha corona dalka ka dhigaysa 399.