Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga tacsiyeeyey qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuum Xaawo Cabdi Dhiblaawe oo ka mid ahayd hormuudka samefalayaasha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Dr. Xaawo Cabdi ay u adeegaysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul iyada oo daadaal muuqda gelisay samatabixintooda wakhtiyadii adkaa ee uu dalku soo maray.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskeeda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootay.