Dawladda dalkan Kenya ayaa goor dhowayd faafaahin ka bixisay diyaarad shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ee wadanka Somalia.

War-saxaafadeed kasoo baxay milatariga dalka ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee wadanka ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi u soo duuleysay magaaladatan Nairobi.

Dawladda ayaa dhanka kale sheegtay in dhammaan 10-kii qof ee saarnaa diyaaraddaasi oo ka tirsanaa milatariga dalka ay xaaladdoodu deggan tahay, ayna ku jiraan cisbitaalka milatariga Defense Forces Memorial Hospital ee magaaladatan Nayroobi.

Waxay Kenya intaasi ku dartay in koox baarayaal ah ay xilligan ku sugan yihiin magaalada Dhoobley ee Somalia si ay shilkaasi uga gun gaaraan.

Shilkan oo dhacay maalinti shalay ayaa War saxaafadeedka lagu sheegin sababta ugu wacnayd in diyaaraddaasi shilka gasho.