Dalka ayaa maanta oo Arbaca ah laga diwaan galiyay 671 kiis oo cusub oo “Covid-19” ah taas oo wadarta guud ee kisaska corona dalka ka dhigaysa 23,873, sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka dalka Mutahi Kagwe.
Mr Kagwe ayaa warbxinta malinlaha sheegay asagoo ku sugna machadka caafimadka ee Kenyatta University referal hospital, halkaas oo uu goob joog u ahaa hirgeelinta sariirrada qeybta xalada deg deg ee ICU-da.

Kisaska maanta corona ayaa la ogaaday kadib badhitaan lagu sameyay 6,200 qof oo la tijaabiyey 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, taasoo tirada guud ee tijaabooyinka la sameeyay gudaha dalka ka dhigaysa 329,123 tijaabo ah.

Mr Kagwe ayaa sheegay in Kiisaska maanta la soo sheegay, 633 ay yihiin Kenyan halka 38 ay yihiin ajaanib.Dhanka da’da,Mr Kagwe ayaa shegay qof ugu yar uu yahay cunug saddex-sano jir ah halka qof ugu weyn yahay 94 jir.

Dhanka soo kabsashaday Wasiirka caafimadka ayaa sheegay in 603 bukaaan ay soo kabsadeen taas oo wadarta tirada guud ee soo kabashada cudurka dalka ka dhigaysa 9,930.

Si kastaba ha noqotee,waxaa fayruska corona u dhintay saddex qof oo dheeri ah, taasoo tirada guud ee dhimashada dalka ka dhigaysa 391 dhimasho ah.