Senatorada dalka ayaa maanta u codeeyay in dib loo dhigo doodda qondooyinka Qaadashada Dakhliga ee Ismaamulada wadanka.

Senatorada ayaa mar kale ka doodi doona arrintan waana markii toddobaad oo dib loo dhigoyo.

Soddon iyo afar Mudane ayaa u codeeyay in dib loo dhigo halka 26 ay diidin.

Senatorka Busia Amos Wako ayaa asaaga ka gaabsaday codayntan.

Senatorka Ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaa sheegay dib u dhigista mooshinkan ay abuuri doonta fursad wada tashi dheeri ah laga yeesho Dakhliga dowlad gobaleeyaada.

Dhanka kale Senatorka Siaya James Orengo iyo dhiggiisa Bungoma Moses Wetangula waxay Guurtida ka codsadeen in la dardar geliyo wadatashiga si loo bilaabo arintan sida ugu dhaqsaha badan.

Kithure Kindiki oo laga soo doorto Ismaamulka Tharaka Nithi ayaa taagyeeray dib u dhigista asaga oo ku nuxnuxsaday in ay abuuri doonto in meel iskugu imaado isla markana la wada tashado.

si kastaba ha noqotee Senatarrada ayaa waqti kale ka doodi doonan arinkan ay maanta dib u dhigin.