Dowladda ayaa sheegtay in ay wax walba oo suuragal ah sameyneysaa si ay u soo celiso dhakhaatiirti Cubaka aha ee laga afduubay Mandheera sanad hore.

Dhanka kale Wasiirka Caafimaadka ee dalka Cuba José Ángel Portal ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu wadahadal taleefoonka kula yeeshay dhigiisa dalkan Kenya Mr Mutahi Kagwe, isla markaana ay wada-hadal ka yeesheen arrintas.

Labada Dhakhaatiirta ee Assel Herrera iyo Landy Rodríguez ayaa waxaa afduubeen xubno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab 12-kii Abriil, 2019.
Waaxa laga afduubtay Magaalada Mandheera ee Gobalka Waqooyi bari xili halkas ay uu joogin howlo shaqo.

Darawal waday gaari ay sarnayeen dhakhaatiirtan ayaa markii dambe lagu eedeeyay inuu gacan ka geystay afduubka.

100 dhakhaatiir Cuban ah oo yimid dalka sanadkii 2018 iyada lagu kala saxeexday heshiis ay wada galeen labada dal si loo wanaajiyo helitaanka adeegyada caafimaadka.