Gobolka Jubbada Hoose,ee dalka Somalia ayaa waxaa ku dhcday diyaarad ay leeyihiin Ciidamada wadankan Kenya.

Waxay ku burburtay sida wararka ay sheegayan Garoonka diyaaraddaha ee magaalada Dhoobley .

Diyaarada ayaa la sheegay in ay Sahay u siday Ciidanka dalka ee ku sugan magaalada Dhoobley, islamarkaana ay ku burburtay Garoonka markii ay ka cagadhigatay.

Inta la ogyahay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Ma jiraan wax war ah oo weli ka soo baxay Ciidamada dalkan Kenya.