Xoogayaha guud ee wasaaradda cafimaadka dalka Dr Rashiid Aman ayaa sheegay in dalka manta oo Isniin ah 544 kiis oo cusub oo la xariro caabuqa ‘Covid-19’ laga xaqijiyay taas oo wadarta guud ee kisaska dalka ka dhigaysa 22,597 xaladood.

Tiradan ayaa la xaqijiyay kadib badhitaan lagu subiyay 2,653 qof oo la tijaabiyey 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, taasoo tirada guud ee dadka la tijabiyay dalka ka dhigaysa 318,376 qof.

Mr Amaan ayaa waxaa uu intaaasi raciyay Kiisaska la soo sheegay maanta,499 ayaa yihiin Kenyan halka 45 ay ajnabi yihiin.

Dhanka jinsiga,Dr Amaan ayaa sheegay in 315 qof ay yihiin rag halka 229 ay yihiin dumar. Ragga ayaa sii wada hogaaminta tirada dadka cudurka corona uu ku dhacayo gudaha dalka.

Kisaska maanta la helay dhanka da’da,qof uguu yar ayaa jira hal sano halka kan ugu weyn yahay qof jiro 84 sano.

Warbihinta Mr Amaan ayaa waxaa uu ku sheegay dadka kasoo kabsaday fayruska corona manta ay tiro ahaan yihin 263 taas oo wadarta tirada guud ee soo kabashada cudurka corona dalka ka dhigaysa 8,740 qof.

Si kastaba ha noqotee,Mr Amaan ayaa sheegay in 13 qof oo dheeri ah ay u dhinteen cudurka manta oo isnin ah waxaana uu shegay in toban ka mid ah dadka dhintay ay ahayen dad qabay cudur kale oo xaaladoda ay hoosesay.Waxaan tirada dhimashada dadka u dhintay corona dalka ay gaartay 382.

Dadka fayrsuka corona maanta u dhintay waxaa ka mid ah kalkaaliso caafimaad, oo lagu magacaabo Marian Awuor Adumbo, oo ka tirsan Kilin Teaching and Referral Hospital.Waxaa kaloo uu raaciyay Mr Amaan in dhimashada kalkaliso Miriam ay tirada shaqalaha caafimadka ee u dhintay corona gudaha dalka ay gartay sideed dhimasho ah.