Tirada dhimashada Latin America ee cudurka coronavirus ayaa kor u dhaaftay 200,000, sida ay soo sheegtay wakaalada wararka ee Reuters, kadib markii dalka Peru laga soo xaqijiyay 191 kiis oo la xariro corona maanta oo Axad ah.

Koonfur Afrika ayaa kor u dhaaftay 500,000 kiis oo la xarirto COVID-19, taasoo ka dhigan in ka badan 50 boqolkiiba dhammaan kisaska la soo sheegay ee qarada Africa laga diwaan galiyay dalkaasi.

Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay magaloyiinka Jerusalem iyo Tel Aviv si ay uga codsadaan in uu iscasilo raiisel wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu iyagoo sheegay inuu wax ka qaban waaye howlaha gurmadka coronavirus, iyo musuqmaasuqa lagu eedeeyay dowladiisa.

In ka badan 17.79 milyan oo dad ah oo adduunka ku nool ayaa laga helay cudurka corona. Ku dhawaad 10.5 milyan oo bukaan ah ayaa soo kabsaday halka in kabadan 684,000 ayaa ku dhintey cudurkani, sida lagu sheegay xogta jaamacada Johns Hopkins.