Wasiirka Difaaca ee Ivory Coast, Hamed Bakayoko, ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaare, kadib markii uu u noqday ra’iisul wasaare ku-meel-gaar ah tan iyo geeridii deg degga ahayd ee Amadou Gon Coulibaly 8dii Luulyo,sida ay xaqijisay madaxtooyada dalkaasi.

Waxaa loo tixgaliyaa inuu yahay saaxiibka dhow ee Madaxweyne Alassane Ouattara iyo tiir ka mid ah taliska dalkaasi, Bakayoko oo 55 sano jir ah, wuxuu aha wasiirka difaaca dalkaasi tan iyo 2017, ka dib markii uu aha wasiirka arrimaha gudaha sanadkii 2011.

Wuxuu sidoo kale ahaa duqa magaalada Abobo, oo ka mid ah magalooyinka Galbeedka Afrika ugu dadka badan,sanadkii 2018.