Gudigga Wadajirka iyo isdhaxgalka qaranka ee loo soo gabiyo (NCIC) ayaa sare u qaaday walaacyada ku aadan kororka hadalka nacaybka iyo kicinta bulsahda oo lagu faafiyo baraha bulshada ee u dhaxeya ismaamulada Marsabit iyo Mandera.

Guddoomiyaha NCIC, Samuel Kobia ayaa waxaa u sheegay in guddigu uu kormeerayo aaladaha warbaahinta bulshada ee labada ismaamul wuxuuna uga digaya dadka isticmaala in ay ku xadgudbin xorriyadda hadalka.

Wuxuu uu sheegay Mr Kobia in gudigga uu la soconayaan dhamaan baraha bulshada ee hadalada nacaybka lagu faafiyo si ay u soo qabtaan dambiilayaasha oo loo maxkamadeyo.

Ismaamulada Marsabit iyo Mandera ayaa tobanaan sanadood la soo dhaafay sii xoogaysanayay rabshadaha iyo colaada ka dhaxeysa bulshooyinka halakasi dago iyada oo boqolaal ay ku naf waayeen kuwa kale ay ku barakacen.