Booliska ismaamulka Kisii ayaa raadinaya maamule dugsi sare kaas oo la sheegay inuu fara xumeyay gabar 15 sano jir ah degaanka Nyacheki malinimadii Khamiista isbuuci hore.

Innocent Ogega, oo ah maamulaha dugsiga sare ee Bendera, ayaa hatan baxsad ah kadib markii gabadhu uu faraxumeyay oo shaacisay dhacdadasi.

Gabadhan dhibanaha ah ayaa waxaa isbitaalka u qaaday hoyaded si loo ogaado in la faraxumeyay waxaana sarakiisha cafimadka ay shegeen in gabadha ay dhibantahay.

Taliyaha boliska ismaamulka Kisii Jebel Munene ayaa sheegay in dhacdadani lagu war geliyay Saldhigga Booliska ee degaanka Nyacheki waxaana intaasi uu si raciyay in baaritan ay hataan socdaan.

Ardaydayadan Fasalka Koowaad ee dugsiga sare ayaa muddo kooban laga waayey gurigooda sida ay sheegtay hooyadeed.

Hooyada gabadha ayaa sheegtay inay gabadheeda ka tagtay guriga subaxa hore ee Khamiista si ay u soo iibiso caano balse sheegtay in ay wayse,iyadoo intaasi sii racisay in saacado kadib soo noqotay.

Taliyaha booliska ee Kisii ayaa sheegay in gabadha ay sheegtay in maamulaha iskuulka siisay iyada lacag 1,000 sh ah si aysan u sheegin dhacdadaas.
Tan iyo bishii Maarso,ismaamulka Kisii ayaa waxa laga diiwaangaliyay in ka badan 50 kiis oo kufsi ah.

Dhanka kale ismaamulka Kisii ayaa sidoo kale laga diiwaangaliyay ku dhawaad 10,000 oo uur-ka loo yeelo gabdhaha ardayda ah 11-kii bilood ee la soo dhaafay,sida ku xusan warbixinta dowladda.