Kiisaska COVID-19 ee laga xaqijiyaya gudaha konfur Afrika ayaa ka gudbey nus milyan,sida ay sheegtay wasaarada caafimaadka ee dalkaasi.

Wadanka ugu waxsoosaarka badan qarada Afrika ayaa laga diiwaangeliyay 10,107 xaaladood oo cusub oo la la xarirto cabuqa corona,taasi oo tirada guud ee kisaska corona dalka konfur afrika kadhigeysa 503,290 oo xaladood sida ay wasaarada caafimadka dalkaasi ay shegtay shalay oo Sabti ah.

In ka badan saddex milyan oo qof ayaa ilaa hadda laga baaray fayraska corona gudaha konfur Africa,halkaasi oo laga kaasoo xaqiijiyay kiiskiisii ugu horreeyay shan bilood ka hor, halkasi oo ila hada 8,153 dhimasho ayaa la diiwaangeliyay.

Dhanka kale qarada Afrika ayaa waxaa la diiwaangaliyay kiisaska gadhayo 934,558 ah iyo 19,752 dhimasho ah iyo ka soo kabsasho tiardooda gadheysa 585,567, sida laga soo xigtay wakaalada wararka ee Reuters.

Dalka konfur Africa ayaa dowladda waxaa ay kusoo rogtay xayiraad guud ahaan wadanka dhamaadkii bishii marso si loo xakameeyo faafida viruska, laakiin haatan ayey dowladda dalkaasi fududaysay xayiradaha si kor loogu qaado dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha – sida wadamada kale ee qaarada oo dhan, oo ah dal aad u balaaran oo dadkiisuna sabool yihiin isla markaana wajahaya gaajo iyo maclul.