Xasiloomi ayaa si tartiib ah ugu soo laabaneysa aagagga ay dagaalladu ka socdaan ee Nessuit, Mariashoni iyo Ndoswa ee Bariga Mau ee ismaamulka Nakuru kadib rabshado ka socday halkaasi tan iyo Khamiisti isbuucii hore.

Hoggaamiyeyaasha maxalliga ee ismaamulka Nakuru ayaa waxay ugu baaqeen beelaha ku dagaallamaya halkaasi inay soo afjaraan khilaafka ayna qaataan nabada.

Gudoomiyaha ismaamulka Nakuru Lee Kinyanjui, Senator-ka ismaamulkasi haweneyda lagu magacaabo Susan Kihika, xildhibaanka degaanka Njoro Charity Kathambi ,xildhibanka degmada Molo Kuria Kimani,xildhibaanka konfurta Kuresoi Joseph Tonui iyo wakilka haweenka ee ismaamulka Nakuru Liza Chelule ayaa waxaa ay ka codsadeen dadka degaanka inay joojiyaan dagaalka iyo colada.

Hoggaamiyayaashan ayaa waxa ay sidoo kale ugu baaqeen dawladda inay soo faragaliso oo ay hubiso in nabad iyo xasilloni ay kajirto deganada colada ka tagantahay.

Fiidnimadii Sabtiga, ugu yaraan lix qof ayaa la dilay dhowr kalena dhaawac ayaa soo gaaray ayaa waxaa looga dabiibaya qaybta xannaanada dadka ee ku yaal isbitaallka Elburgon iyo isbitaalka weyn ee Nakuru Level Five.

Dowladda ayaa deeganada dagaalka ka jiro u dirtay inka badan 200 oo booliis ah si ay u joojiyan isku dhaca si socdo oo khasara keena.

Dhanka kale Dhowr guryood iyo meherado ganacsi ayaa la gubay isku dhaca oo u dhaxeeya beelo halkasi daga.