Ganacsatada iyo dadka deganka ee Mwangaza ee duleedka magaalada Isiolo ayaa cabsi ku nool ka dib markii ay soo baxeen koox burcad ah oo si qasab u dhacaya dadaka iyo ganacsatada halkasi ku nool.

Waxaa ay dadka degaanka ku edeyeen saraakiisha amaanka in ay indhaha ka xirteen ragga dhallinyarada ah oo khalkhalka ku hayaa dadka degaanka.

Isticmaalka daroogada iyo rajo beelka dhanka shaqada darteed, oo ay weheliso xagjirnimada ayaa lagu sheegay sababaha keenay in ay dhalinyarada Isiolo ay qeyb ka noqdaa falalka dambiyada ah sida xatooyada iyo burcadnimada.

Toddobaadkii hore, nin ayaa si xun loo dhawacay kadib markii kooxdu burcadka dhalinyarada ay ku soo weraren toreey isagoo ay ku edeyeen in uu kooxda burcadka ah aan kala tashan guriga uu dhisanaye.

Gudoomiyaha amaanka ismaamulka Isiolo Herman Shambi ayaa horey uga digay in sarkaal kasta oo ka tirsan dowlada oo lagu helo dambi ah inuu fududeeyo burcadnimaa loo la tacaali doono si sharciga waafaqsan.